Sunday, May 31, 2026
HomeWararQarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Congo

Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Congo

Saraakiisha Congo ayaa sheegay in qof naftiis hure ah uu xalay isku qarxiyay baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Beni ee bariga Congo, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa lix qof oo u uku jiray qofka weerarka fuliyay.

Afhayeenka guddoomiyaha gobolka Waqooyiga Civu, Général Ekenge Sylvain, ayaa sheegay in ciidamada ay is hortaageen qof xirnaa walxaha qarxa oo rabay inuu gudaha u galo baar aad dad badani ku caweynayeen, balse marki danbe isku qarxiyay albaabka hore.

Weerarkaan ayaa noqonaya kii ugu danbeeyay ee gobolka ka dhaca tan iyo marki ay ciidamada Congo oo kaashanaya kuwa Uganda ay billaabeen howlgallo ka dhan ah maleeshiyaad mintidiin Islaami ah oo halkaasi ka dagaallama.

Bishi June, June ayay sidoo kale magaalada Beni ka dhaceen qaraxyo lala beegsaday kaniisad iyo isgoys mashquul badan oo basaska laga raaco.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe