Sunday, June 28, 2026
HomeWararMadaxweynayaasha Jubbaland & Koonfur Galbeed oo kulan gaar ah yeelanaya

Madaxweynayaasha Jubbaland & Koonfur Galbeed oo kulan gaar ah yeelanaya

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda Magaalada Kismaayo ay kulan gaar ah ku yeeshaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ee Axmed Maxamed Islaam iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftagareen).

Kulanka ayaa waxaa ay kaga hadli doonaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, iyadoo la sheegayo in labada dhinac is dhaafsanayaan dano kala duwan oo isaga xiran, gaar ahaan kuraas Xildhibaan oo rag aad ugu dhow labada Madaxweyne ay u rabaan, kuwaasoo kuraastooda taal Kismaayo iyo Baydhabo.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u tegay Kismaayo ay tahay in Wasiirka Gaadiidka Maamulkiisa Xasan Xuseen Maxamed uu doonayo in uu kusoo baxo kursiga Xildhibaannimo, isla markaana arrintaasi uu kala Shaqeeyo Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftagareen) iyo dhiggiisa Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa is dhaafsan doono in laga wada Shaqeeyo sidii xildhibaannada labada degaan doorasho ka kala jiro soo baxaan, in kastoo ay taagan tahay saameynta Beelaha leh kuraasta.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe