Monday, May 25, 2026
HomeWararfaafaahin:Al-Shabaab oo la wareegay degaan u dhow Magaalada Dhuusamareeb

faafaahin:Al-Shabaab oo la wareegay degaan u dhow Magaalada Dhuusamareeb

Wararka laga helayo degaanka Ceel-dheere ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xubno katirsan Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Ceel-dheere oo Dhuusamreeb u jira 30KM.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka, isla markaana ay bur-buriyeen xarumihii maamulka Iyo ciidanka ee ku yaalay Ceel-dheere, kadib markii qarax ay ku xireen.

Majirin wax iska horimaad ah oo deegaanka ka dhacay, sida  uu sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka oo sabab amni magaciisa u qariyay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug ula wareegi lahaayeen degaanka Ceeldheere ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay sinabad ah ula wareegeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayna qarax ku burburiyeen Saldhiga Booliska degmadaas walow markii dambe isaga baxeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe