Monday, May 4, 2026
HomeWararWasiir Dubbe oo loo doortay Sanoter Aqalka Sare

Wasiir Dubbe oo loo doortay Sanoter Aqalka Sare

Waxaa weli Teendhada Afisiyooni ee Magalada Muqdisho ka socota doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi  Soomaliland, waxaana goordhow la doortay Kursiga Afaraad.

Kursiga Afaraad ee Aqalka Sare doorashada ka socota Afisiyooni ayaa waxaa ku tartamay Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe & Cabdikariim Maxamed Xasan, waxaana kursiga kusoo baxay Cusmaan Abuukar Dubbe.

Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa waxaa uu helay 28 Cod halka musharixii la tartamayay ee Cabdikariim Maxamed Xasan uu helay 17 Cod, waxaana halaabay Hal Cod.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe