Monday, May 4, 2026
HomeWararCabdi Xaashi oo markale loo doortay Sanoter Aqalka Sare

Cabdi Xaashi oo markale loo doortay Sanoter Aqalka Sare

Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho waxaa ka socota doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, waxaana goordhow la doortay Sanoterkii ugu horeeyay.

Kursiga koowaad ee kuraasta Aqalka Sare Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ku tartami lahaa Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Saciid Cumar Xuseen, balse waxaa kusoo baxay  Cabdi Xaashi markii uu tanaasulay Saciid Cumar Xuseen.

Sanoter Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu helay  44 cod oo gacan taag ah, waxaana ka aamusay labo xubnood.

Goordhow ayaa waxaa la guda geli doonaa doorashada kursiga labaad Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe