Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika Flex Tshisekedi ayaa booqasho ku tagay magaalada Qaahira ee xarunta waddanka Masar, halkaas oo uu kula kulmay madaxwayne Abdel Fattah el-sisi.
Booqashada madaxweyne Tshisekedi ayaa qayb ka ah dadaallada xal u raadinta xiisadda biya-xireenka Ethiopia.
Xiisaadda ka dhalatay biya-xireenka oo u dhaxeeysa dalalka, Itoobiya, Suudaan iyo Masar ayaa xoogeysatay blihii la soo dhaafay, waxaana Midowga Afrika ay haataan wadaan dadaalo nabadeed six al looga gaaro xiisadaas.

