Saturday, May 2, 2026
HomeWararDowladda Somalia oo Deni & Axmed Madoobe ku eedeysan inay diidan yihiin...

Dowladda Somalia oo Deni & Axmed Madoobe ku eedeysan inay diidan yihiin doorashada {AKHRISO}

Iyada oo aan weli wax heshiis ah laga gaarin Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa Xukuumadda xilgaarsiinta waxaa ay ku eedeysay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay kasoo horjeedaan doorasho ka dhacda dalka.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in Xukuumadda ay dadaal farabadan ku bixisay sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, hayeeshee la hor istaagay.

Waxaa uu sheegay Wasiir Al-Cadaala in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo dad kale ay u muuqdaan kuwo aan diyaar u aheyn doorasho ka dhacda dalka, isla markaana, iyaga oo Muqdisho ku sugan ay diideen inay kasoo qeyb galaan shirka lagu dhameystirayay heshiiskii 17-kii September, kaas oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hadalka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa kusoo aadaya xilli weli la isku mari la’yahay doorashada Soomaaliha, balse ay Beesha Caalamka wado dadaalo ku aadan sidii xal loo gaari lahaa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe