Thursday, April 30, 2026
HomeWararBuufinta cudurka Coronavirus oo ka bilaawday meelo kamid ah Galmudug

Buufinta cudurka Coronavirus oo ka bilaawday meelo kamid ah Galmudug

Wasaaradda caafimaadka Galmudug ayaa  magaaalada Dhuusamareeb ka bilowday buufinta cudurka Corona virus, maadaama kiisas kamid ah cudurka laga helay Magaaladaas.

Magaaladana Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa markii ugu horeysay laga daah furay Mashruuca buufinta Xarumaha Bulshada iyo Goobaha dadwaynuhu isugu yimaad, si loo xakameeyo faafida Xanuunka Covid-19 oo Deegaanada Galmudug saameyn balaaran ku yeeshay.

Hey’addaha MEGA iyo SOFA oo ay horkaceyso Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa si wadajir ah howshan uga bilaabey maanta Xarumaha Bulshada loogu adeego sida aqalka Dowlada Hoose ee Dhuusamareeb.

Tallaaabdaan ayaa waxaa la sheegay in ay qayb ka tahay dadaalada socda ee sahli kara in la dhimo Kororka dadka uu soo ridanayo Xanuunkan markale kusoo laba kacleeyay Dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe