Sunday, June 28, 2026
HomeWararCiidamada DF ‘oo duulaan weyn ku qaadaya’ Ceelbuur

Ciidamada DF ‘oo duulaan weyn ku qaadaya’ Ceelbuur

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay howl-galo balaadhan oo markii u horeysay lagu xoreyn doono degmada Ceel-buur oo gacanta ku hayaan dagaal-yahanada Shabaabka.
Ciidamada xooga dalka gaar ahaan qeybtooda degaanada maamulka Galmudug ayaa fulin doona howl-galadan, waxaana la diyaariyay tiro kale oo ciidamo ah oo dhawaan la qalabeyn sida uu sheegay Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xooga.
Taliyaha oo Xerada tababarka Har-qaboobe ku booqdey Ciidamo tababar dhameystay oo dhawaan la qalabeyn doono ayaa waxa uu sheegay inay ciidamadaas ay qeyb ka noqon doonaan howl-galada lagu xoreynayo Ceel-buur.
Waxaa uu xusay Taliyaha in dadka shacabka ah looga baahan yahay diyaar garow, maadama ay dhankooda diyaariyeen ciidankii qaadi lahaa howl-galka xoreynta, islamarkaana xuquuqdooda loo dhameystiri doona ciidanka cusub ee dhawaan kusoo biiray ciidanka lana tababaray si loo xoojiyo howl-gallada Shabaabka.

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu shalay Wasiirka Amniga Galmudug ku dhawaaqay howl-galo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo gacanta ku haya deegaano ka tirsan maaamulkaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe