Thursday, April 30, 2026
HomeWararDoodda Soomaaliya oo Maxkamada ICJ Dhageysan Doonto

Doodda Soomaaliya oo Maxkamada ICJ Dhageysan Doonto

Dowlada Soomaaliya ayaa la filayaa Maanta in ay Maxakamada Adduunka ee ICJ Dhageysan Doonto Dood Afeedkeedii ugu dambeysay, iyada oo Wafdiga Soomaaliya Rajaweyn iyo Kalsooni Muujiyiin.
Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ ayaa 3:00PM Galabnimo dhagaysan doonta gunaanadka Dacwadda badda Soomaaliya, Ka dib markii ay diiday maxkamaddu codsigii Kenya ee ahaa in ay dib ugu soo laabto dhagaysiga dacwadda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xaqiijiyey in maxkamaddu qaadatay go’aankaas, Iyada oo Dowlada Kenya Dhagaha ka fureysatay.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in Dacwad Sii Geyn Doonto Golaha Amaanka QM Si Qiil Kale ugu Raadiso Arinta Dacwada Badda.
Laba Qodob oo Kenya Horay usoo Gudbisay ayaa lagu Sheegay in Covid-19 uu Dhaqaale Yari Dalka u Horseeday iyo in Dacwada Badda Lagu Soo Daro Weerar Al-Shabaab ay ku Qaadeen Hoteel Ku Yaal Magaalada Nairobi Laba Sano Ka Hor.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe