Thursday, April 30, 2026
HomeWararMadaxweyne ku xigeenka Somaliland oo laga helay Covid-19

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo laga helay Covid-19

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa Isniintii xaqiijiyey uu iska baaray cudurka coronavirus,islamarkaana laga helay.
“Waxaan rabaa inaan ogeysiiyo shacabka Somaliland in layga helay COVID-19 seddexdii maalmood ee ugu dambeysay waan qabay.” Ayuu yiri Saylici bartiisa Twitter-ka.

Waxa kale oo uu kula dardaarmay dadka reer Somaliland inay raacaan awaamiirta wasaarada caafimaadka.
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Mahdi Cismaan iyo Wasiirka Maaliyada Sacad Cali Shire ayaa sidoo kale laga helay cudurka coronavirus sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.
Soomaaliya waxay heshay qaybtii ugu horreysay ee tallaalka COVID-19 Isniintii. Waxay diiwaan gelisay 12 dhimasho ah iyo 138 xaaladood 24 saac gudahood, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka xalay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe