Wednesday, April 22, 2026
HomeWararfaafaahin: Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

faafaahin: Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in ay gaari ku rasaaseeyeen degaanka Mirocowleed oo hoostaga Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.
Gaariga la rasaaseeyay ayaa sida la sheegay waday Qaad ( Jaad), waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in weerarka ay ku dhinteen laba ruux mid kalena uu ku dhaawacmay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in falkan uu la xiriirinayo aanooyin qabiil oo bilihii la soo dhaafay ka taagnaa degaano hoostaga Magaalada ee Gobolka Galgaduud, iyada oo saaka xiisad ka dhalatay dilkaas ay taagan tahay.
Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Galmudug kusoo batay dilalka lala xiriirinayo aanooyinka qabiil, iyada oo qaarkood dagaal beeleedyo dhacay xal lag gaaray halka kuwo kale aan weli lagu guuleysan xalintooda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe