Wednesday, April 29, 2026
HomeWararShirkii Dhuusamareeb oo lagu kala dareeray iyo beesha Caalamka oo dadaallo bilowday

Shirkii Dhuusamareeb oo lagu kala dareeray iyo beesha Caalamka oo dadaallo bilowday

Wararkii u danbeeyey ee ka soo baxaya shirka Wadatashiga Doorashada JFS ee Dhuusamarreeb ayaa sheegaya in madaxdu kala dareereen iyaga oo aan gaadhin heshiis soona saarin war-murtiyeed maanta la filayey, kaddib markii laysku fahmi waayey xal u helista gobolka Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa warbaahinta isugu yeeray halka Madaxweyne Farmaajo qorsheeyay in uu dib ugu soo laabto Muqdisho.

Warar dheeraad ah oo ka imanaya Dhuusamarreeb ayaa sheegaya in Beesha Caalamka ay waddo dedaallo lagu baajinayo Shir jaraa’id oo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe qaban lahaa kaasi oo ku sheegayo in shirkii fashilmay, dhanka kalena waxaa la hadal hayaa in uu baaqdo safar maanta madaxweyne Farmaajo ku aadi lahaa Muqdisho.

Beesha Caalamka ayaa dhinacyada Soomaalida ah ku boorinaysa in ay dib isugu laabtaan dooradhada heshiish wadar oggol ka gaadhaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe