Tuesday, April 21, 2026
HomeWararAl-Shabaab iyo dadka degaanka oo ku dagaallamay Mudug

Al-Shabaab iyo dadka degaanka oo ku dagaallamay Mudug

Wararka ka imanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaallo ay xalay ka dhaceen degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug kadib markii saacadihii hore ee xalay ay weerar kusoo qaadeen Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid ka dib xiisad ka dhalatay dhalinyaro degaanka ah oo kasoo horjeeday Al-Shabaab , kuwaasoo isku aruursanayay degaano hoos yimada degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Qaar ka mid ah shacabka degaanka Bacaadweyne ayaa u sheegay warbaahinta in xalay ay maqlaayeen daryanka madaafiic ay is weydaarsnaayeen labada dhinac, islamarkaana qaarkood ay bilaabeen in ay barakcaan.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Dadka degaanka iyo ururka Al-Shabaab ayaa sanadkii lasoo dhaafay dhowr ku dagaallamay degaanka Bacaadweyne iyo degaanka Shabeellow ka dib markii ay diideen in ay bixiyaan lacag ay weydiisteen Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe