Sunday, May 31, 2026
HomeWararCarruur lix jir ah oo booliska jarmalka u qabtay shaqo cajiib ah

Carruur lix jir ah oo booliska jarmalka u qabtay shaqo cajiib ah

Ciidamada booliska ee ka howl gala magaalada Hamm ee galbeedka dalka Jarmalka ayaa adeegsanaya sawir gacmeedyo ay sameeyeen carruur 6 jirro ah si ay ugu raadiyaan qof darawal ah oo lagu eedeeyay inuu xoog ku dardaray jid-gooyo loo sameeyay waddo.

Saraakiisha booliska ayaa afarta carruurta ah ku ammaanay shaqada cajiibka ah ee ay u qabteen, iyagoo sheegay in sawir gacmeedyadaas ay si rasmi ah uga mid yihiin baadhitaanka la wado.

Carruurta ayaa marka uu falkaas ay goob joogga u ahaayeen dhacayay waxay sugayeen inay waddada gudbaan. Waxay sheegeen in haweeneey gaaban ay khaladka ku sameysay wadadaas, ayna si aad ah uga argagaxeen.

Haweeneyda darawalka ah “waxba kama aysan soo qaadin burburka ay geysatay wayna iska sii carartay”, sida lagu sheegay qoraal ay taliska booliska soo dhigeen bartooda Facebook-ga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe