Saturday, May 2, 2026
HomeBarnaamijyadaGudiga doorashada Galmudug ee dowladu magacowday oo beri ku wajahan Dhuusamareeb

Gudiga doorashada Galmudug ee dowladu magacowday oo beri ku wajahan Dhuusamareeb

Gudiga doorashada Galmudug ee dowladu magacowday ayaa beri ku wajahan Dhuusamareeb

Warar soo gaaray Cadaado Media ayaa sheegaya in dowladu beri gudiga doorashada Galmudug ka dajin rabto mid kamid ah magaalooyinka Cadaado iyo Guriceel maadaama garoonka Dhuusamareeb shaqadiisu hakatay roobab ka dagay deeganka aweed

Dowlada ayaa sidoo kale amartay odayaasha dhaqanka inay tagaan magaalada Dhuusamareeb

Qorshaha dowlada ayaa ah in horey laga gudo galo soo xulista xildhibaanada Galmudug islamarkaana aan dhag jalaq loo siin cabashada Ahlu Sunna iyo gudiga ay magacaabeen maanta

Dowlada ayaa heegan gelisay ciidamada jooga Dhuusamareeb iyadoona sidoo kale saacadaha soo socda ciidamo dheerad ah geyn rabta caasimada

Madaxda dowlada ayaa horey isaga indhatiray cabashada beelaha waxaana hada bilaabayaan inay iska indhotiran cabashada Ahlu Sunna sida ay sheegayaan warar hoose

Ahlu Sunna ayaa la ogeyn talaabada ay qaadi doonaan marka gudiga doorashada Galmudug ay tagaan Dhuusamareeb shaqana bilaaban

Wiixii kusoo kordha isha ku hay Cadaado Media Group

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe