Xog Qaraxyadii Dhuusamareeb
Wararka ayaa sheegaya in qaraxii koowaad ee saakay ka dhacay Dhuusamareeb uusan aheyn ismiidaamin
Saraakiil katirsan laamaha amniga Dhuusamareeb ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay maqaaxida uu ahaa miino la galshay goobta ruuxa ku dhintay qaraxa ayaa katirsanaa ciidanka Ahlu Sunna waxaana lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Jimcaale
Laamaha amniga ayaa warkaan si rasmi ah u shaacin hase yeeshee xogtan ayaa ah mid si hoose u sheegeen saraakiisha waxaana suurogal ah in xogtan dhawan la wadaagaan warbaahinta
Qaraxa labaad ayaa ahaa miino balse ciidamadu ay fashiliyeen

