Faahfaahin qarax saakay ka dhacay Dhuusamareeb
Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaaxi kutaala afaafka hore xerada Inji
Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay qofkii isi soo miidaamiyay halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kamid yahay xildhibaan Ahlu Sunna kasoo galay Galmudug laguna magacaabo Barakaqabe
Ciidamo iyo masuuliyiin kale ayaa fariista maqaaxida la isku qarxiyay inkastoo xiliga qaraxa dhacay uusan joogin dad badan

