Gudigii Xaqiiqa Raadinta uu Magacabey Madaxweynaha Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo isgu Jirey Wasiiro,Xildhibaano, odayaal, ayaa maanta ka Amba baxay Magaalada Baydhabo,
iyagoo kusii jeeda Deeganada galmudug Si Xaqiiqada dhabta ah Ee Dhacdooyinkii Ka dhacay Magaalooyinka Dhuusamareeb, iyo Gaalkacyo ay usoo ogaan lahaayeen.
Maxamed Xuseen Xasan Joon wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya , ayaa warbaahinta Koonfur Galbeed kula hadley Qeybta Nasasha Garoonka Diyaaraha Magaalada Baydhabo, isagoona Sheegey In Maanta ay usocodan Muqdisho halkaasi kaga sii bixi doonan ay aadi doonan Deeganada Galmudug si ay usoo ogaadan Xiqiiqada Dhabta ah Dhacadooyinkii dhacay Dhuusmareeb iyo Gaalkacyo.
Guddigan iyo Guddi kale uu Magacabey Gudoomiyaha Baarlamanka soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa iska raaci doona Magaalada muqdisho Iyagoo Tagi doono Magaalooyinkii ka dhacay Dilalkii Foosha Xumaa oo lagu la kacay Shacab Ganacsata ah Ee ka soo Jeeda Deeganada Koonfur Galbeed

