Thursday, May 7, 2026
HomeWararKulamo xasaasi ah oo caawa ka socda Dhuusamareeb

Kulamo xasaasi ah oo caawa ka socda Dhuusamareeb

C/samad Macalin Maxamuud oo Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Dhuusamareb. ayaa Kulamo Wadatashi ah. Caawa la yeelanaya Madaxda Ahlu Sunna

C/samad ayaa madaxda Ahlu Sunna ku qancinaya inay ogolaadaan in la qabto doorashada madaxweynaha Galmudug sidoo kalena Ahlu Sunna loo fuliyo qodobo u gooni ah

Qodobada Ahlu Sunna loo ogolyahay ayuu sheegay in ay kamid tahay in Ahlu Sunna lasiiyo lacag magdhow ah, wasiirka arimaha gudaha Somaliya iyo in ciidamadooda ay u howlgeli doonaan sida ciidanka Danab

C/samad Macalin Maxamuud ayaa sidoo kale madaxda Ahlu Sunna u sheegay in loo ogolyahay tiro xildhibaano ah

Qodobadan C/samad soo bandhigay ayuu sheegay in madaxda dowladu u ogolyihiin Ahlu Sunna siloo qabto doorashada madaxweynaha Galmudug

Madaxda Ahlu Sunna ee ku biiray Galmudug iyo Xaaf ayaa aaminsan in 3 sano mudo xileedkoodu ka dhiman yahay lamana oga in dalabkan cusub ay aqbali doonaan Ahlu Sunna

Wixii kusoo kordha kala soco halkan

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe