Wednesday, August 19, 2026
HomeWararKoonfur Galbeed oo ka hadashay dadka xalay lagu laayay Gaalkacyo

Koonfur Galbeed oo ka hadashay dadka xalay lagu laayay Gaalkacyo

Koonfur Galbeed oo ka hadashay dadka xalay lagu laayay Gaalkacyo

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay sagaal qof oo ka soo jeeda degaannadaas.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan ayaa sheegay in dhamaan dadka lagu laayay Gaalkacyo ay ka soo jeedaan degaannadooda.

Waxaa uu sheegay in Maamulkooda uu baaritaan ku wado sababta iyo cidda dishay dadka ka soo jeeda Koofur Galbeed ee lagu laayay Gaalkacyo.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in dadka deggan Magaalada Gaalkacyo ee ka soo jeeda Koofur Galbeed aysan xalay guryahooda seexan.

Dhawaan ayey ahayd markii 4 qof oo ka soo jeedda degaannada Koofur Galbeed lagu dilay degaanka Bulacle ee Gobolka Galguduug.

Maamulka Galmudug ayaa horay u beeniyay in dadka ka soo jeeda Koofur Galbeed lagu amray in ay isaga baxaan degaannada Galmudug, kaddib markii warkaas ku faafay baraha Bulshada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe