Sunday, June 28, 2026
HomeWararDhaqtar 90 ruux oo Caruur u Badan Qaadsiiyay Xanuunka HIV

Dhaqtar 90 ruux oo Caruur u Badan Qaadsiiyay Xanuunka HIV

Dhacdo xanuun badan oo si weyn looga hadlaayo maanta ayaa ka dhacday Pakistaan ka dib markii ugu yaraan 90 ruux oo ay ku jiraan 65 Carruur, la qaadsiiyay xanuunka HIV.

Falkaan ayaa waxaa ka dambeeyay dhaqtar Pakistaani ah oo Cirbad horay loogu duray dad qaba Xanuunka HIV  ku duray dadkaasi.

Sarkaal Booliska dalka Pakistan u hadlay, ayaa sheegay inay soo xireen Dhaqtarka Jimcihii.

“Waxaan soo xirnay Dhaqtarka, kadib markii aan helnay cabasho ka timid Maamulka Caafimaadka.” Ayuu yiri Kamran Nawaz oo ah Sarkaal Boolis ah.

Wuxuu intaasi ku daray Sarkaalka Booliska in loo sheegay Dhaqtarka qudhiisa inuu qabo xanuunka HIV Aids-ka.

Booliska ayaa sheegay inay baaris ku wadaan dhaqtarkaasi sababta u noqday in xanuunka HIV uu qaadsiiyo dadkaasi faraha badan.

Arrintaan ayaa shaki wayn waxa ay ku abuurtay Bulshada u dhalatay dalka Pakistaan oo noqday kuwa ka feejigan goobaha ay joogaan dhaqaatiirta.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe