Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM oo dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada.
Kulanka deg deggga ah ayaa aad loogu falanqeeyay Tageeradda qorshaha uu diyaariyay taliska ciidanka xoogga dalka oo la doonayo in Al-Shabaab looga saaro degaanadda kamid ah dalka ee ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

