Friday, September 11, 2026
HomeWararMadaxweynayaasha Jubbaland Hirshabelle iyo Koofur Galbeed oo Gaaray Garoowe

Madaxweynayaasha Jubbaland Hirshabelle iyo Koofur Galbeed oo Gaaray Garoowe

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland, waxaana garoonka Diyaaraddaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa ka mid ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Puntland ayaa kaga mahadceliyay Madaxweynaha Jubbaland si uu u ajiibay Casuumaadii loo fidiyay si uu uga qeyb galo Caleemasaarka.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland Dani iyo ku xigeenkiisa ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka waxaana Madaxda ay sheegeen in ay ka qeyb gali  doonaan Xafladda Caleemasaarka Madaxda Cusub ee Puntland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe