Subaxii Hore Ee Saakay Doorashada oo Ka Bilaabatay Hoolka Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland Ayaa Aheed Mid Ilaa 3 Wareeg Gashay.
21 Musharax Ayaa Ubaratamayay Xilka Madaxweynaha Puntland 5 Sano Ee Soo Socota Waxaan Musharaxiinta oo In Tooda Badan Ku Haray Wareega Koobaad
Waxaan Wareega Kawaabaad Ka Soogudbay Kalaiya Asad Cabdullaahi Cusmaan 17 Cod iyo Saciid Cabdullaahi Dani 20 Cod , Faarax Cali Shire 9 Cod.
Waxaa Wareegga Saddexaad u soo gudbay Asad Cabdullaahi Cusmaan 30 Cod iyo Saciid Cabdullaahi Dani 29 Cod.
Waxaa Wareegga Labaad ku haray Faarax Cali Shire oo helay 7 Cod.
Wareegii Udanbeeyay oo Ay Iskugu Soo Hareen Labadaan Musharax Ee Kala Ah Ganaraal Asad Cabdullaahi Cusmaan Iyo Saciid Cabdullaahi Dani
Ayaa Xildhibaanadu Guda Galeen Dhiibashada Codadka Labada Musharax Waxaan Gudanbeen Mdaxaweynha Puntland Ee Shanta Sano Ee Soo Socta Noqday Saciid C/llaahi Deni 35 Cod helay ,halka Jeneraal Asad Cusmaan C/llaahi uu Helay 31 Cod.
Sida uu Natiijada Ku Dhawaaqay Gudomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed
Madaxweynaha Cusub Ee Puntland oo Ay Dorbadiiba Ciidamo Isku Gadaameen Ayaa Lagu Soo Dhaweeyay Codbaahiyaha Ayaa Sheegay In Waji Cusub uu Ufurtay Puntland
Jeneraal Asad Cusmaan C/llaahi oo Ahaa Musharaxa Laga Guuleestay Loolankii Udanbeeyay Ayaa u Mahadcoliyay Madaxweynaha Cusub
Cabdiwali Maxamed Cali gaas Madaxweynihii Hore Ee Puntland Ayaa Ka Codsaday Bulshada Reer Puntland In Ay La Shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub
Isla Goobta Ayaa Lagu Dhaariyay Madaxweynaha Cusub Ee Puntland
Saciid Dani waa nin Ganacsade ah sidoo kale dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud kasoo noqday Wasiirka Qorsheynta.
Warbixin

