Wednesday, June 24, 2026
HomeDhageysiDhageyso:- Toogasho Ka Dhacday Muqdisho

Dhageyso:- Toogasho Ka Dhacday Muqdisho

Kooxo Hubeysan Ayaa Maanta Barqanimadii Waxa Ay Wiil Dhalin-yaro Ah Ku Toogteen Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho.

Toogashada Ayaa Si Gaar Ah Waxa Ay Uga Dhacday Xaalafadda Laba-Dhagax Degmada Warta-Nabadda Ee Gobolka Banaadir.

Ninka La Toogtay Ayaa Ahaa Ruux Shacab Ah Oo Aanan Wax Lug Ah Ku laheyn Arrimaha Dawladda Sida Ay Xaqiijiyeen Ehelkiisa.

Marka Laga Yimaado Dilka Marxuumka Ayaa Dhinaca Kale Waxaa Isna Goobta Ku Dhaawcmay Ruux Kale Oo Shacab Ah.

Marxuumka La Toogtay Ayaa Mgaaciisa Waxaa Lagu Soo Koobay Yaxye.

Ciidamada Booliska Soomaaliya Oo Dilka Ka Dib Goobta Gaaray Ayaa Hawl-gallo Ka Wada Goobtii Uu Dilku Ka Dhacay.

Zakariye Abdullaahi Max’ed Oo Ka Mid Ah Saxafiyiinta Ka Hawl-gasha Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho Ayaa Codka Gobollada Dhexe Uga Warramay Qaabka Uu Dilku U Dhacay.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wariye Zakariye Abdullaahi:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe