Saturday, June 27, 2026
HomeWararSawirro:- Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland Oo Kulan La Qaadatay Culimada Jubbaland.

Sawirro:- Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland Oo Kulan La Qaadatay Culimada Jubbaland.

Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Kismaayo Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxa uu u dhaxeeyay Wasaaradda Cadaaladda iyo Culimada Magaaladaasi.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii looga hadli lahaa gaarsiinta Garsoorka Deegaanada Maamulka Jubbaland iyo Wadada loo mari karo.

Culimadii kulanka ka qayb-gashay ayay Wasaaraddu ka dalbatay in laga gacansiiyo sidii loo heli karaa Garsoor Saldhigiista oo u kala garqaada Dadka wax kala tirsanaya.

Wasiirka Caaladda Maamulka Jubbaland Maxamed Yuusuf, ku xigeenkiisa Dr. Aadan Iinshaar Cumar oo Madasha ka hadlay ayaa Culimada u jeediyay in ay ka qayb qaataan ol-olahaan ay Wasaaradda Waddo.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa soo jeedisay mideynta Masaajidda oo hal waqti laga wada Aadaamo, Tukashada Salaadaha iyo Khudbadaha laga aqriyo Jimcaha.

Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda, garsoorka iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Aadan Iinshaar Cumar ayaa Culimada kula dardaarmay in ay bulshada ku sameeyaan Wacyigelin guud.

Si gaar ah waxa uu u tilmaamay in ay ka wacdiyaan waxyaabaha Fasahaadka ah ee meel ka dhaca ku ah Diinta iyo dhaqanka Soomaalida.

Wasiirka Calaadda Maamulka Jubbaland Maxamed Yuusuf ayaa Culimada ka codsaday in si mideysan ay ula shaqeeyaan Wasaaradda oo uu ku tilmaamay in howlgalinteeda guud ay dan ugu jirto Bulshada sida uu sheegay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe