Wefdi uu hugaaminayo guddoomiyahaA� Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ayA� wehliyaan Xeer Ilaaliyaha Guud eeA� Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Cabdullaahi Buule Kameey iyo Saraakiil kale ayaa u tegay magaala xeebeedka Baraawe ee gobalka Shabeelaha-Hoose howlo shaqo oo dowladda dhex ee Soomaaliya kaga wakiilA� yihiin.
Ujeedada wefdigaA� ay u gaareen magaala xeebeedka Baraawe ayaa ah sidii loo darsi lahaa isfaham waa u dhaxeeye maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada, iyadoo sidoo kale wefdigan la filayo in ay goa��aan ka gaaraanA�A� maxaabiis ku xiran Xabsiyada Baraawe.
Inta uu jooga guddoomiyaha ayaa la filayaa in uu sidoo kale booqdo xarumaha ciidamada oo u diyaar garowaya howlagallo guud oo dalka looga xureynayo maleeshiyada Alshabaab.
Maamulka degmada, Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa howlgalka AMISOM ayaa garoonka ku soo dhaweeyay wefdiga guddoomiyaha.
Guddoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Amniga Iyo Siyaasadda Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabeellada hoose Bashiir Maxa��ed yuusuf Oo la hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe ayaa Sheegay In U Jeedada Wefdigan Ee Baraawe ay Tahay Sidii Ay Goa��aan Uga gaari Lahaayeen Rag La Tuhunsan yahay In Ay Ka Tirsan Yihiin Al-shabaab Oo Ku Xiran Xabsiyo Ku Yaal Gudaha Magaalada Baraawe
Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiye Ku Xigeenka Amniga Baraawe bashiir Max’ed Yuusuf:-

