Sunday, June 28, 2026
HomeWararGudaha8-jir kufsi iyo dil loogu geystay Cadaado

8-jir kufsi iyo dil loogu geystay Cadaado

Gabar 8 jir ah ayaa la xaqiijiyay in la dilay ka dib markii lagu kufsaday gudaha degmada Cadaado, ee gobolka Galgaduud oo ka tirsan Galmudug.

Booliska ayaa sheegay in gabadha yar lagu magacaabo Maryan Shaafici Badal.

Meydka ayaa la sheegay in laga heley calaamado kufsi muujinaya.

Dhacdadan ayaa argagax ku abuurtay dadka deegaanka Cadaado iyo guud ahaan maamulka Galmudug.

Booliska Cadaado ayaa sheegay inay hadda hayaan dhowr rag ah oo lagu tuhmaayo inay falkaan ka dambeeyeen, laguna wado baaritaan.

Falalka kufsiga loo geysanaayo carruurta yar yar ayaa ku soo laalaabta deegaanada Soomaalida.

Bil ka hor waxaa magaalada Laascaanood ka dhacay kufsi wadareed labo gabdhood oo walaalo ah loogu geystay.

Booliska Laascaanood ayaa falkaasi u qabtay rag gaaraya 24 ruux oo weli xiran.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe