Wednesday, November 6, 2024
HomeWararShaqaale ka tirsan Shirkadda Hormuud oo la dilay & Guudlaawe oo War...

Shaqaale ka tirsan Shirkadda Hormuud oo la dilay & Guudlaawe oo War kasoo saaray

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay Nin lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Jimcaale, waxaana la toogtay, xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii cishaha ee xalay.

Kooxihii ka danbeeyay dilka loo geystay Cabdiraxmaan Jimcaale ayaa goobta ka baxsaday, Marxuum Jimcaale ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha Shirkadda Hormuud ee magaalada Jowhar, isagoona sidoo kale ahaa nabaddoon .

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka tacsiyeeyay  geerida Nabadoon Cabdiraxmaan Jimcaale agoon, oo u dhintay rasaas ay ku dhufteen rag hubeysan oo watay Bastoolado.

Madaxweynaha ayaa tilamaamay in Nabaddoon Cabdiraxmaan uu kaalin mug leh kasoo qaatay dowlad dhiskii Hirshabeelle, kana soo shaqeeyay nabad ku wada noolaanshaha Bulshada iyo Midnimada Ummadda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in hoygiisa uu ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe