Ugu yaraan 17 dhalinyaro Soomaali ah ayaa ku geeriyootay badda u dhaxeysa Spain iyo Algeria kadib markii ay qalibantay doon ay la socdeen xilli ay isku dayayeen tahriib.
Dadka dhintay ayaa la xaqiijiyey inay isugu jiraan 5 gabdhood iyo 12 wiil, waxaana geeridan ay mar kale muujineysaa khatarta weyn ee ku jirta safarrada sharci darrada ah ee badda.
Safaaradda Soomaaliya ee Algeria ayaa sheegtay in ay muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu xakameynayo tahriibka, taas oo hoos u dhigtay tirada dhimashada, inkastoo ay dhacdadani dib u xasuusisay halista wali taagan.
Mas’uuliyiintu waxay intaas ku dareen in faahfaahin dheeraad ah oo ay ku jiraan magacyada iyo sawirrada dadka geeriyooday la shaacin doono saacadaha soo socda, kadib markii xogta ay gaarsiisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

