Tuesday, June 23, 2026
HomeWararDibadda𝗥𝗮'𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶𝗴𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗗𝗮𝗮𝗿𝘂𝘀𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺 .

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶𝗴𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗗𝗮𝗮𝗿𝘂𝘀𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺 .

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania oo ay kaga qayb galayaan Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika.

Shir madaxeedka ayaa looga hadlayaa taabbagelinta awoodda dadweynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaradda hiigsaneyso taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aadden horumarinta bulshada u leh Xukuumadda Soomaaliyeed ee DanQaran.

Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe