Friday, April 26, 2024
HomeWararGuddoomiye Mursal Oo Maanta Saxaafadda Kula Hadlaya Muqdisho

Guddoomiye Mursal Oo Maanta Saxaafadda Kula Hadlaya Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa maanta isugu yeeray Warbaahinta ka howlgasha Muqdisho.

Shirka jaraa’id ee uu Mursal ku dhawaaqay in uu qabanayo ayaa lagu wadaa in uu uga hadlo halka uu marayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha,Wararka sheegaya in isaga xabsi Guri la geliyay iyo qodobo kale.

Xildhibaano ka mid ah Golaha shacabka ayaa mooshin ka dhan ah Madaxweynaha u gudbiyay Guddoomiye Mursal,waxaana uu qabtay mooshinkaas oo sidoo kale labadiisa ku xigeen ay ku tilmaameen sharci darro.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay qaar ka mid ah XIldhibaannada ku saxiixan mooshinka ayaa sheegayay in laga been abuurtay,waxaana ka mid ah kuwa ku jira Isbitaallo dalka dibaddiisa ah oo aan joogin dalka iyo kuwa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Xildhibaannada mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha u gudbiyay Guddoomiye Mursal ayaa sheegaya in madaxweynaha uu galay heshiisyo qatar gelinkara dalka oo aan la horgeyn golaha shacabka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe