Saturday, October 25, 2025
HomeWararGudahaXukunka Maxkamadda Galgaduud ee Dilkii Hooyada iyo Carruurteeda oo Caro Badan Dhaliyay

Xukunka Maxkamadda Galgaduud ee Dilkii Hooyada iyo Carruurteeda oo Caro Badan Dhaliyay

Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa xukun ku riday saddex nin oo loo haystay inay ka dambeeyeen dil arxan darro ah oo lagu laayay hooyo Soomaaliyeed iyo saddex carruur ah oo ay dhashay, Falkaasi naxdinta leh ayaa dhacay bilo ka hor, wuxuuna gilgilay shacabka deegaanka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Maxkamaddu waxay ku xukuntay laba kamid ah raggaasi 5 sano oo xabsi ah, halka ninka saddexaad lagu xukumay 3 sano,  Xukunkaas ayaa dhaliyay caro badan iyo dood ka dhex aloosantay bulshada, iyadoo dad badan ay u arkaan inuu yahay xukun aad u hooseeya marka loo eego dembiga la galay.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Omar Ali Abdi, ayaa si cad u diiday xukunka maxkamadda, isagoo sheegay in xukuumad ahaan aysan aqbalaynin, “Waa sharci-darro, waana wax aan la aqbali karin, Ragga dilay hooyada iyo carruurta ay dhashay waa inay helaan ciqaabta ay mudan yihiin,” ayuu yiri xildhibaanku.

Muuqaallo laga duubay maxkamadda ayaa muujinaya aabaha qoyska la laayay oo si weyn uga naxay go’aanka maxkamadda, kanaa baxay hoolka isagoo aan la dhicin xukunka la riday.

Qaar kamid ah dadka deegaanka iyo kuwa baraha bulshada ka hadla ayaa sheegay in xukunka uu dhaawacayo kalsoonida shacabka ee hay’adaha garsoorka, Dad badan ayaa isweydiinaya: Sidee ku suurtagashay in dilka hooyo iyo saddex carruur ah lagu xukumo 3 iyo 5 sano oo keliya?

Xukunka ayaa sidoo kale dhalin kara dalabyo lagu doonayo in dib loo furo kiiska, ama in racfaan laga qaato go’aanka maxkamadda, Dhibaatadan waxay iftiimisay baahida loo qabo in dib loo eego nidaamka caddaaladda dalka, gaar ahaan marka ay timaado dambiyada culus ee lidka ku ah nolosha bani’aadamka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe