Monday, February 23, 2026
HomeUncategorizedXiisad ka taagan magaalada baydhabo

Xiisad ka taagan magaalada baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee caasimadda KGS ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan xiisad u dhaxeysa maamulka iyo siyaasiyiin mucaarad ah.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa lagu xiray Siyaasiyiin dhowr ah iyo masuuliyiin horay xil uga soo qabtay Baydhabo.

 

 

Shiine Macalin Nuur oo ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in aysan aqbali doonin la caburiyo ayna dagaallami doonaan.

Waxaa uu sheegay in muddo xileedka Lafgareen wuu ku eg yahay December wixii ka dambeeyana aysan Madaxweyne u aqoonsaneyn.

Laftagareen ayaa la sheegay in uu amray in Siyaasiyiintaasi laga saaro magaalada Baydhabo sida ugu dhaqsiyaha badan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe