Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulanka 12-aad ee Kalfadhiga 7-aad, kaasoo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen 156 mudane, ayaa ajendihiisu ahaa akhrinta saddexaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka, akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada Kale, iyo qeybinta warbixinta akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Sharciga La-dagaalanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka (Sharci Lr.36 ee 1975).
Intii kulanka uu socday, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda, waxaana oggolaaday 154 Xildhibaan, sida uu ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.
Sidoo kale, Golaha Shacabka ayaa marsiiyey akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, waxaana warbixinta Golaha u akhriyey Wasiiru Dowlaha wasaaraddaasi, Maxamed Cusmaan Naastaro.
Maadaama uu hindisahaasi marayey akhrinta koowaad, dood rasmi ah laguma furin, balse xildhibaanno ayaa weydiiyey su’aalo ku saabsan waafaqsanaantiisa shareecada Islaamka iyo dastuurka, saameynta uu ku yeelan karo miisaaniyadda qaranka, iyo muhiimaddiisa guud ee bulshada Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Sharciga La-dagaalanka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka, si ay u daraaseeyaan ka hor inta aan loo gudbin akhrinta xigta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale uu muhiimad weyn u leedahay bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana uu ka mid yahay shuruucda lagama maarmaanka u ah ilaalinta xuquuqda haweenka iyo ka hortagga tacadiyada.
Guddoomiyaha ayaa amray in hindisaha lagu wareejiyo Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada si ay u diyaariyaan akhrinta labaad, isagoo xusay in Baarlamaanka 11-aad uu, iyadoo la kaashanayo culimada Soomaaliyeed, soo saari doono sharciyo waxtar u leh bulshada iyo ilaalinta haweenka Soomaaliyeed.

