Xarunta Degmada wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa ka jira cabasho xooggan oo ku saabsan Adeega bixinta kaarka aqoonsiga ee NIRA, maalinkasta Dad badan ayaa safaf u gala sidii ay u helilahaayeen kaarka aqoonsiga ee NIRA ee Dowlada qasab ka dhigtay in la qaato,Balse Adeegaasi ayaa noqday mid adag oo Dalbashadiiso qaadato maalmo Badan.
Xogaha aan helnay ayaa tilmaamaya in xarunta wadajir ay tagaan Boqolaal qof maalinkasta,Balse la qaabilo Tiro yar oo laga qaado lacago sharci Daro ah,sida ay sheegayaan Dad kala Duwan oo la hadlay warbaahinta oo qaar kood laga Dhax saaray Dadkii kale ee ay isku waqtiga ahaa yeeen iyo kuwii ka sii horeeyay ee halkaas u tagay in ay soo qaataan kaarka oqoonsiga ee NIRA.
Dadka qaar ayaa waxaa ay sheegeen in laga qaaday lacag dhan 10$ qofkii Doonaya in si deg deg ah uu u helo kaarka Aqoonsiga ee NIRA , Halka kuwa aan bixin lacagta loo sheego in ay iska laabtaan oo ay qaabilaada buuxsantay ama ay ogolaadaan bixinta lacagtaas oo qaarkood Daruufu haysta aan awoodin in ay bixiyaan lacagtaas, taas oo keentay in laga muujiyo cabasha xooggan.
Waxaana xiliyada qaar ay sababta in ay Dadka aan awoosin ay iska bixiyaan lacagta banaanka ugu soo Baxaan xarunta Degmada wadajir ee Gobolka Banaadir qaarkoodana ay xarumo kale ka Doontaan Kaarka aqoonsiga ee NIRA,Tani waa musuqmaasuq iyo Dulmi ka dhan ah shacabka soomaaliyeed kuwaasi oo xaq u leh in si cadaalad ah u helaan Adeegyada Dowlada.
Qaar ka mid ah Bulshada ku nool Degmada wadajir ayaa ka Dalbaday wasaaradda arimaha Gudaha soomaaliya in ay wax ka qabato cabashada ku saabsan helitaanka kaarka aqoonsiga ee NIRA oo xitaa madaxdii NIRA ay wax ka qaban la,yihiin ayana Baaraan musuqmaasuqa ka jira xarunta Degmada wadajir ee Gobolka Banaadir.

