Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya oo ay weheliyaan Wakiilo ka socda Xafiisyada amniga ee dowlad goboleedyada ayaa galinkii dambe ee Shalay waxaa Muqdisho uga furmay shir socon doono mudo saddex maalmood ah.
Kulankan ayaa ah mid diirada lagu saarayo diyaarinta sharciga lagu dhisayo Guddiyada Amniga dowlad goboleedyada kaasoo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo hanaanka dowladnimo ee dalka.
War kooban oo laga soo saaray furitaanka shirkaan ayaa lagu sheegay in ujeedooyinka shirkan ay tahay in la caddeeyo doorka Golaha Amniga Qaranka, Xafiiska Amniga Qaranka iyo Xafiisyada Amniga dowlad goboleedyada, kaasoo ku aadan qaab dhismeedka Amniga Qaranka ee la cusbooneysiiyay.
Shirka waxa sidoo kale looga arisanaya in la qeexo shaqada guddiyada amniga ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed si loo hubiyo isu dheellitirka amniga gudaha iyo ilaalinta madax banaanida qaranka.
Waxaa sidoo kale dhinacyada ay dib u eegis ku sameynayaan siyaabaha lagu horumarin karo siyaasad isku xiran iyo geeddi socodyada go’aan gaarista ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo sidii loo dhisi lahaa isfaham guud oo ku saabsan haykalka dowladnimo ee amniga Soomaaliya iyo xoojinta wada shaqeynta iyo isku xirka xafiiska amniga qaranka iyo maamul goboleedyada.
Ugu dambeyntii shirkaan oo maanta galay maalintiisii labaad ayaa lagu wadaa in dhinacyadu ay maalinta berito ah kasoo saaraan war murtiyeed dhameystiran oo la xariira doodaha ay ka yeesheen dhanka amniga guud dalka.