Tuesday, October 7, 2025
HomeWararGudahaWasiirka Gaashaandhigga Sweden oo Muqdisho u yimid si uu u Xoojiyo Iskaashiga...

Wasiirka Gaashaandhigga Sweden oo Muqdisho u yimid si uu u Xoojiyo Iskaashiga Difaaca ee Soomaaliya iyo Sweden

Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden, PÃ¥l Jonson, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo ku yimid booqasho rasmi ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga milatari iyo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden.

Wasiir Pål Jonson ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo uu ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Sheekh Cali, iyadoo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Bayaan rasmi ah oo laga soo saaray booqashada ayaa lagu sheegay in uu la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Boqortooyada Sweden, PÃ¥l Jonson oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, iyo taageerada dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashandhiga ayaa shaaca looga qaaday in Wasiir Fiqi uga mahadceliyay Dowladda Sweden dhinacyada kala duwan ee ay Soomaaliya ka caawiyaan, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu ku saleysan yahay iskaashi saaxiibtinimo iyo dan guud oo ku wajahan xasillinta gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixineyso sugidda nabadda iyo guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, isagoo ballan qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada iyo horumarinta xirfadda ciidamada Soomaaliyeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe