Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yeeshay wadahadallo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, taasoo muujineysa tallaabo muhiim ah oo dib loogu soo celinayo xiriirkooda ka dib in ka badan hal sano oo xiisad diblomaasiyadeed.
Wafdiga Soomaaliya waxaa hogaaminayay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cali Maxamed Cumar, iyadoo wafdiga Itoobiya uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.
Wada-hadalladan ayaa ka dhinac socday shirka Tana High-Level Forum on Security in Africa, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii loo wanaajin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal ee deriska ah iyadoo loo marayo iskaashi diblomaasiyadeed oo joogto ah iyo in si wadajir ah ay uga go’an tahay nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka.
Labada dhinacba waxay xaqiijiyeen inay ka go’an tahay sare u qaadista iskaashiga la dagaalanka argagixisada, horumarinta xasiloonida gobolka, iyo xoojinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha soomaaliya ee waqtigiisa sii dhammanayo oo uu toddobaad ka hor booqasho wax yar ah ku tagey dalka Itoobiya, taasoo qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu caadiyeeyo laguna xoojinayo xiriirka labada dal.
Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa aad u xumaaday horraantii 2024 ka dib markii Itoobiya ay heshiis is afgarad badeed oo muran badan dhaliyay (MoU) la saxiixatay maamulka isku magacaabay Somaliland Janaayo 1, 2024.
Horaantii sanadkan, labada dal waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan matalaadda diblomaasiyadeed – tallaabo weyn oo loo qaaday dib u dhiska kalsoonida ka dib markii Soomaaliya ay jartay xiriirkii ku saabsanaa gelitaanka badda ee u oggolaaday Itoobiya oo aan bad lahayn inay soo gasho badda cas iyada oo soo marta Somaliland.

