Labo Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay iska casileen xilalkii Wasiir Ku-xigeeno ee ay ka hayeen wasaaradaha Xukuumadda, iyagoo dhaliilay siyaasadda dowladda federaalka iyo faragelinta joogtada ah ee ay ku hayso dowlad goboleedyada dalka.
Xildhibaan Maxamed Aadan Maxamed, Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa go’aankiisa ku sababeeyay aragtidiisa ku aaddan hoggaanka dalka, isagoo sheegay in siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay sii hurinayso colaadaha, kala qaybsanaanta iyo cadaadiska lagu hayo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan faragelinta joogtada ah ee lagu wiiqayo dowlad goboleedyada.
Xildhibaanku wuxuu muujiyay in damiirkiisa uusan u oggolaanayn inuu ka sii mid ahaado hannaan siyaasadeed oo horseedaya dhibaato iyo colaad hor leh.
Sidoo kale, Xildhibaan Isaak Maxamud Mursal, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa si cad ugu dhawaaqay is-casilaaddiisa isagoo ku saleynaya ilaalinta heshiisyada qaran, faragelinta joogtada ah ee dowladda federaalka, iyo ku xadgudubka dastuurka ku meel gaarka ah.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in go’aankiisu uu ka tarjumayo dareenkiisa ku aaddan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed, wuxuuna ugu baaqay dowladda inay joojiso ku tagri-falka awoodeed.
Labada masuul ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeyay nabad iyo ciid wanaagsan, iyaga oo ku baaqay in dalka laga shaqeeyo wada-hadal, caddaalad iyo ilaalinta midnimada ummadda.
Is-casilaaddan ayaa imaanaysa xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo koraya, gaar ahaan arrimaha maamulka Koonfur Galbeed iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

