Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa si adag u adkeeyay mowqifka dowladda ee ku aaddan midnimada iyo madax-bannaanida dalka, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay ku socoto siyaasad nabadeed oo ku dhisan wada-hadal, balse aysan aqbali doonin wax cadaadis ama faragelin ah oo halis gelinaya midnimada dhuleed ee dalka.
Wareysi uu siiyay barnaamijka Al-Masaiya ee Aljazeera Mubasher, wasiirku wuxuu sheegay in wararka la xiriira dukumentiyada Jeffrey Epstein ay iftiiminayaan faragelinno iyo dhaqdhaqaaqyo shisheeye oo lagu wiiqayo wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo Somaliland.
Wuxuu tilmaamay in ay jiraan isgaarsiin iyo dadaallo ay wadeen shirkado caalami ah oo, marinno aan rasmi ahayn, ku doonayay in lagu riixo aqoonsiga Somaliland inay noqoto dal madax-bannaan.
Cali Balcad wuxuu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda Soomaaliya ee ku aaddan Somaliland ay ku dhisan tahay wada-hadal iyo isu-tanaasul, maadaama Soomaalidu tahay “hal shacab, hal af iyo hal diin.” Wuxuu intaas ku daray in dadaallada gooni-isu-taagga aysan matalin rabitaanka guud ee shacabka, isla markaana aqoonsiga Somaliland uusan keeni doonin nabad, balse uu abuuri karo xasillooni-darro saameyn ku yeelan doonta Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in Soomaalida aysan marnaba ku wada-hadli doonin cadaadis iyo handadaad.
Dhanka kale, wasiirka ayaa ka hadlay mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan Israa’iil, gaar ahaan kadib markii ay taageertay aqoonsiga Somaliland, Wuxuu sheegay in Israa’iil ay waajib ku tahay inay ixtiraamto midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo xusay in Muqdisho aysan wax wada-hadal ah la yeelan doonin cid ku xad-gudubta qarannimada dalka.
Wasiir Cali Balcad ayaa sidoo kale ku eedeeyay Israa’iil inay qorsheyneyso in Falastiiniyiinta laga barakiciyo Marinka Qasa loona raro Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay qorshe khatar ku ah amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas, Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah uga hortagto tallaabo kasta oo noocaas ah.
Isaga oo ka hadlayay xaaladda amniga gobolka, wasiirku wuxuu sheegay in wadahadallo heer gobol iyo heer caalami ah ay socdaan si loo xoojiyo xasilloonida Badda Cas iyo Geeska Afrika, maadaama ay yihiin marinno muhiim u ah ganacsiga iyo maraakiibta caalamka, Wuxuu ka digay in qalqal amni oo ka dhaca gobolkaasi uu yeelan doono saameyn dhaqaale iyo mid amni oo baahsan.
Ugu dambeyn, wasiirka ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya aysan oggolaan doonin saldhig militari oo shisheeye oo laga dhiso dhulkeeda iyadoo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka, Wuxuu xusay in tallaabo kasta oo lagu soo galiyo joogitaan ciidan oo shisheeye ay noqon doonto xad-gudub toos ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dalka, isla markaana dowladda ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga hortago arrintaas.
Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Soomaaliya ay sii xoojin doonto iskaashiga ay la leedahay dalalka taageera midnimadeeda iyo madaxbannaanideeda, gaar ahaan Sacuudiga iyo Turkiga, isaga oo carrabka ku adkeeyay in xasilloonida Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay xasilloonida guud ee gobolka.

