Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qaraxyo ismiidaamin ahaa oo lagu weeraray Saldhigga Ciidamada Itoobiya oo kamid ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin Xerada Kabaaso ee degmada Dolow ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ilaa laba qarax oo loo adeegsaday Gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa la sheegay in lagu dhuftay irida xerada iyo dhabarka dambe waxaana jiro khasaaro xoogan oo ka dhashay weerarka .
Goobjoogayaal ay aa u sheegay warbaahinta in qaraxyada kadib ay Uuro xoogan ay cirka isku shareertay, taas oo siweyn looga dareemaya degmada Doolow iyo degaannada ku dhow dhow.
Xaalada magaalada Dolow ayaa kacsan, waxaana ilo dhanka ammaanka ah ay sheegeen in ay socdaan baaritaano la xiriira khasaaraha ka dhashay qaraxyada, waxaana suxid mudan in Ciidamada Itoobiya ay xirteen waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xerada la weeraray.
Dadka kunool Magaalada Doolow ayaa sheegay in inay dareemeen cabsi xoogan kadib markii ay maqleen qaraxyada, wallow xerada la weeraray ay ku taallo duleedka magaalada, iyada oo isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga ee Magaalada dooloow ay yihiin kuwo caadi ah.
Dhanka kale, ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka degmada iyo kuwa gobolka oo ku aadan dhacdadaasi.
Weerarkan ayaa kusoo aadayo, maalmo uun kadib markii ay Al-Shabaab ay cagta mariyeen saldhig ay ciidanka Uganda ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareere ee Shabeelaha Hoose.