Thursday, November 20, 2025
HomeWararGudahaWararkii ugu Dambeeyay Diyaaradaha Maraykanka oo duqeymo ka fuliyay Gobolka Bari

Wararkii ugu Dambeeyay Diyaaradaha Maraykanka oo duqeymo ka fuliyay Gobolka Bari

Diyaaradaha Maraykanka ee Duulliye la’aanta ah (Drones) ayaa duqaymo ka fuliyay deegaanno katirsan Gobolka Bari Dowlad-Goboleedka Puntland oo saldhigyo u ah Daacish sida wararka la helayo ay sheegayaan.

Duqaymaha ayaa dhowr jeer lagu dhuftay goobo difaacyo ay ku leeyihiin Daacish isla markaana ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland sida ay ku warrameen saraakiil katirsan ciidamadaas.

Maraykanka gaar ahaan Taliska u qaabilsan howlgallada duqaymaha aha ee AFRICOM weli ma jiro war uu kasoo saaray, sidoo kale Dowlad-Goboleedka Puntland ma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo xubnaha sida gaar ah loo beegsaday.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe