Monday, October 27, 2025
HomeWararGudahaWararkii ugu Dambeeyay Diyaaradaha Maraykanka oo duqeeyay Saldhigyo Daacish ay ku leedahay...

Wararkii ugu Dambeeyay Diyaaradaha Maraykanka oo duqeeyay Saldhigyo Daacish ay ku leedahay Calmiskaad

Diyaaradaha Duulliye la’aanta Maraykanka ee Drones-ka ayaa duqaymo culus ka fuliyay Deegaanno hoostaga Buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari Dowlad-Goboleedka Puntland, saraakiil katirsan maamulkaas ayaa sheegay in la dilay xubno sare oo katirsan Daacish.

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in sirdoonka maamulkaas oo kaashanaya Saaxiibada ka taageerrada weerarrada cirka ah ay heleen xogta xubnaha la beegsaday, kaddib markii lasoo dhammeeyay sahankaasina weerarka culus la fuliyay.

Saraakiil katirsan Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in goobaha la duqeeyay ay joogeen Rag u badan Ajaanib kana mid ah hoggaanka Kooxdaas ee jooga dhulka buuralayda ah ee Gobolka Bari.

Waa duqayntii labaad oo muddo todobaad ah ay ku fuliyeen ciidamada Maraykanka, ma jiro war kasoo baxay Taliska Howlgallada Maraykanka Afrika u qaabilsan ee loosoo gaabiyo AFRICOM oo inta badan weerarrada kaddib soo gudbiya faah-faahinta khasaaraha.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe