Saturday, October 4, 2025
HomeWararGudahaWararkii ugu Dambeeyay Al -shabaab oo weli ka dhex dagaalamaya gudaha xarunta...

Wararkii ugu Dambeeyay Al -shabaab oo weli ka dhex dagaalamaya gudaha xarunta godka jilacow

Xubno ka tirsan Al shabaab ayaa weli ka dhex dagaalamaya gudaha xarunta godka jilacow oo ku dhow Villa Somalia kana mid ah xarumaha NISA

Ciidamada dowlada ayaa wada howlgal ay ku soo afjarayaan dagaalyahano ka tirsan Al shabaab oo ka dhex dagaalamaya xarunta gudaheeda, kuwaasoo sii daayey maxaabiistii ku jirtay xaruntaas inkastoo qaarkood dib loo soo qabtay.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari loo soo ekeysiiyey kuwa NISA oo lagu qarxiyey kontrolka laga ilaaliyo xaruntaas, waxaana ka dib xarunta lug ku galay rag hubeysan oo markii hore gaariga ka dagay kuwaasoo ku lebisan dareyska ciidanka DF.
Qoraal ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu weli socdo howlgal lagula dagaalamayo ragga weerarka soo qaaday oo ay sheegtay in ay ka tirsan yihiin AS.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in weerarka loo adeegsaday gaari loo ekeysiiyay kuwa laamaha amniga.

“Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa weerar naf-halignimo ah ku qaaday xarunta Godka Jilicow, oo ka mid ah xarumaha hay’adda NISA. Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa isticmaalay gaari ay u ekaysiiyeen gaadiidka ciidamada hay’adda. Qaar ka mid ah maleeshiyaadka cadowga ayaa la toogtay, waxaana haatan socda howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxdan weerarka soo qaaday” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Soomaaliya.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la soo sheegayaa inuu geystay weerarkan inkastoo aan tirakoob sax ah klaga heynin, war kooban oo ay soo saareen laamaha amaanka lagu sheegay in la dilay qaar ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, welina uu socdo howlgalka.

Muuqaallada hooyooyin ilmeynaya oo ubadkooda baadi goobaya ayaa buux dhaafiyey baraha bulshada.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli maanta dowladda fedraalka ay shaacisay in dhagxaantii ka qaaday wadooyinkii xirnaa, taasoo ay ku sababeysay in amniga Caasimada ay xaqiijisay.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe