Diblumaasiyiinta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sacaadihi la soo dhaafay waday xiriiro la ay la sameynayaan dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.
Dhaqdhaaqyada ayaa la xiriira walaaca Turkiga ka qabo badqabka shaqaalaha iyo saanad saaran Markabka Sea World oo ciidanka Puntland ku qabteen xeebaha maamulkaasi.
Markabka oo ku gooshaya calanka dalka Comoros ayaa ka soo baxay dalka Turkiga, isaga oo wada saanad ciidan, waxaana la filayay inuu 21 bishaan yimaado magaalada Muqdisho.
Wararkii udambeeyay ayaa sheegaya in Markabka la isku raacay inuu ku xirto dekadda Boosaaso ee gobolka Bari, halkaasi oo lagu soo bandhigi doono.
Weli dowladda Federaalka kama hadlin Markabka, mar su’aal laga waydiiyay Wasiirka Difaaca Soomaaliya waa uu ka gaabsaday inuu tafaasii dheeraad ah bixiyo.

